Labo Dumara oo Gaalkacyo lagu dilay

Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacy ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya Nin hubeysan inuu xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay laba Dumar ah, asago rasaas ku furay labadaan Dumar oo dhexmaraayey xaafada Garsoor.

Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa goobta ka sameeyay howgalo baaritaano ah oo lagu baadi gaabayay ragii ka dambeeyay dhacdadaasi inkastoo aysan jirin dad loo soo qab qabtay weerarkaasi lagu dilay labada Dumar ah.

Saldhiga ciidamada dowlada ay ku leeyihiin magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu tuuray bam gacmeed, taas oo dhaawac uu ka soo gaaray mid ka mid ah ciidamadii halkaasi joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.