Madaxweynihii ugu horeeyey oo Haysta Dhalashada Itoobiya ee Maamul Goboleed oo cambaareeya qarixii Adis Ababa

madoobe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxii lala eegtay dad dibadbax ka dhigayay Magaalada Addis Ababa halkaas oo uu tageerayaashiisa kula hadlayay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in falkaasi uu ahaa xadgudub iyo danbi weyn oo loo gaystay dad aan waxba galabsan isagoo sheegay in Cadaalada la mariyo kuwii falkaas ka danbeeyay.
Madaxweynahu wuxuu eheladii iyo qaraabadii dadkii ay dhibtu gaartay uga tacsiyeeyay isagoo hoosta ka xariiqay in uu la qabsanayo Xanuunka iyo Tiiranyada kuwa halkaas ku waayay Saxiibadood iyo dadkii ay Jeclaayeen.

Axmed madoobe ayaa haysta Dhalashada dalka Itoobiya waana tan ku kaliftay inuu uga hormaro maamul goboleedyada kale iyo dowlada Federaalka Soomaliya tacsida dadkii kudhamaaday qaraxii ka dhacay Addis Ababa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.