Waxka Ogow waxa ku salaysan yahay Dagaalka Tukaraq W/Q Maxamed Muxyadiin Maxamed

dhaqankii geel-qaadnimada ahaa ee soomaalida, waxa ka mid ahaa markii beel intay duusho beel kale geel ka soo dhacdo, ragga geelaa dhacaya labo ayaa loo qaybin jiry, koox geela ka xaysa iyo koox iyagu dhexda ugala raggii geelaa lahaa, illaan geela la soo dhacay ragbaa lahaa oo iyana way soo weerartagiye, waxayna isku dayi doonaan inay geelooda soo dhacsadaan.raadco reeb waa koox dablay ah, cidii isku daydaa inay geelaa ka daba timaado dhexda ugasha oo laysa, ka dibna geel ay soo dhacsadaan iskadaaye iyagaaba dhaawac iyo dhimasho soo gaadhaa.

Gumaysigii afrika gumaysatay hadduu hadimooyin badan u gaystay, intaas kaliya oogama tagin ee si aan dakanaduu galay looga doonan firaaqana loogu helin lagaga dabatago afrikaankii ayuu qoorta isu galiyay, labo labo iyo saddex saddex ayuu isu diray, bal waxyar ila fiiri geeska afrika soomaaliya iyo ethopia dhulbay isku haystaan iskuna dileen oo illaa maanta murankiisii ma dhamaan, jabuuti iyo eletaria, eleteria iyo ethopia soomaaliya iyo Kenya oo hadda xataa bad isku haysta.

Hadda waxaaba soo baxday soomaalida dhexddeedii oo xuduudii gumaysigu u sameeyay isku dilaysa bal waa tane soomaaliland iyo Puntland ila fiiri gaalkii ingiriiska ahaa ayaa raadkuu dhigay 100 sano ka hor la leeyayhay in aanu soo noolayno oo wax ku qaybsanaan rabnaa alla muxuu gaalkaasu naga adkaaday saa dakanaduu nagagalay waxaaba ka daran intuu naga guuray ayuu haddana nagu dhex nool yahay meeshaan xaqii nagaga maqnaa ka doonan lahayn annagii ayuu intuu qub moos ah noo tuuray oo meel been ah xuduud aan jiriin noogu suntay wali isku dilaynee bal amxaar goojaan dagan maxaa godey ka yaala, kenyanka nakuru dagan maxaa north eastern ka yaala bal habar jecle iyo habar awal maxaa tuka raq ka yaalla illaan reerka meeshaas daga waa layaqaane dee waxa kayaalla waa layaqaanoo waa mu’aamaradii gumaysigu ka shaqeeyaya waa raadco reeb geelii laynaga qaaday si aynaan u soo dhacsan ayaa jidka qodxo badan la inoo daadshay allahu al-mustacaan.
WQ: Maxamed Muxyadiin Maxamed.
Saajid4045@gmail.cm

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.