Dhageyso:Ciidanka Soomaliya oo Fashiliyey weerar Maleeshiyada Shabaab ay ku soo qaadeen deynuunaay

Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halkaasi ay ka hortageen weerar ay soo qorsheeyeen maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab,kadib markii ay ka war heleen macluumaad ku saabsan dhaq dhaqaaqa kooxahaasi argagixisada ah ee Al-shabaab.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan degan,iyadoo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen in ciidanka Xoogga Dalka ay qasaarooyin gaarsiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday halkaasi,haatana ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar u waramay Wakaaladda SONNA ayaa faah fahiyay sida ay wax u dheceen.

Hoos ka dhageyso warbixintii warbaahinta qaranka

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.