Daawo:Ra”iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxweynaha wadankaas Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dowladood.
Ra’iisal wasaaraha Kheyre ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyey garab istaaga iyo taageerada Soomaaliya waxa uuna dhinaca kale faah faahin ka siiyey xaalada Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle ayaa Dowladda Soomaaliya ku amaanay dadaalada nabadeynta iyo isbadalada Siyaasadeed ee ka soo kordhay Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah Wadamada ay Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dowladda ku caawiya sidii ay Al-shabaab uga adkaan laheyd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.