Ra’iisul Wasaare Xigeenka soomaaliya ayaa Xariga Ka Jarey Mashruuc Lagu Hagaajinaayo Nadaafada Caasimada muqdisho.

gulled

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Nadaafadda ee lagu magacaabo ECCO.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Nadaafadda ee ECCO mudadii labada sanno ahayd ee ay shaqeynaysay wax badan ay ka qabatay bilicda Caasimadda, iyadoo shaqooyin u abuurtay dadka Soomaaliyeed. Waxuna xusay maadaama ay Muqdisho tahay muraayaddii dalka loo wada istaago hagaajinta bilicdeeda oo nadaafaddu kow ka tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.