Daawo:Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaliya oo kudhawaaqay Shir lagu heshiisiinayo Galmudug

wasiir

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Mohamed Sabriye oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka haatan ka dhaxeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ka dowladd ahaan ay aad ugu Xun yihiin khilaafka soo laabtay ee haatan ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Maamulka galmudug,islamarkaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah loo xaliyo.
Dhanka kale waxa uu sheegay in dhinacyo khilaafka uu ka dhaxeeyay ay isku ogaayen in la joogo Muqdisho si loo xaliyo khilaafka balse ay u ambabaxeen deegandda Galmudug.
Ugu Dambeyntii 30-ka bishaan ayuu sheegay in la qaban doono shir lagu dhex-dhaxaadinayo khilaafka Madaxda maamulka galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.