Wasiirka amniga soomaaliya iyo Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey xaalada saameynta roobabka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiey xaaladda saameynta roobabkii xalay ilaa iyo maanta ka da’ayey caasimadda Muqdisho.
Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen isla markaasna 301 guri ay biyo galeen halka qaar kalana ay dumeen.
Duqa Muqdisho oo warsaxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa yiri “Roobabkii ka da’ayey caasimadda tan iyo xalay oo ahaa nimco rabbaani ah ayaa saameyn ku yeeshay naf iyo maalba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay waday gurmad oo dadkii saameynta ku yeelatay la geeyey goobo isla markaasna loo diyaariyey raashin iyo hoy.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.