Daawo+Sawiro:Ra’iisal wasaaraha Khayre oo booqday dadka ay saameynta ku yeesheen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqasho ugu tagay dadkii ku guryo beelay Roobabkii ka da’ay Muqdisho,kuwaasi oo Maamul Gobolka Banaadir uu dejiyay goobo KMG ah si uu idhihiisa ugu arko xaaladda dadka barakacay iyo gurmadka uu maamul Gobolka wado.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) Gudoomiyaha Warta Nabada Zaynab Xaabsay iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ka qeyb qaadanayay gurmadka dadka lagu keenay goobaha uu ugu talagalay Maamul Gobolka Banaadir in si KMG ah u degaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyay dhammaan dadka ka qeyb galay gurmadka lagu badbaadinayay dadkaasi saameynta ay ku yeesheen roobabkii da’ay,wuxuuna Ra’iisal wasaaraha mid mid uga xog wareystay dadka soo barakacay xaaladda ay hadda ay ku sugan yihiin,isagoona amray in si deg deg ah wax loogu qabto hooy rasmi ahna la dejin doono.

ducaale

asluubta

boolis

khayre

zayba

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.