Madaxweyne Soomaliya ayaa hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May, Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo xasilinta dalkooda.

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannad guuradii 75-aad ee aasaaskii Ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyay waa dadaal dhallinyaro, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badanyahay, Gacmaha isqabsada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soosocda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.