Ciidamada Puntland oo dhowr jiho kaweeraray Tukaraq

puntland

Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay saaka Dhow jiho kaweerareen degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaliland.

Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa xaqiijisay in dagaal xoog leh uu ka socdo Tukarraq islamarkaana ay jiraan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay dhankooda xaqiijiyeen dagaalka ka socda Tukarraq waxaase ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalka saaka dhacay qasaaraha Soo gaaray.

Wararka aan ka helayno Tukaraq ayaa waxay sheegayaan in dagaalkii uu dhaxeeyey Puntland iyo Soomaliland uu wali socdo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.