Magaalada Baladwayne oo wbaiga Shabeele Markale ku fatahay

wabi

Wararka Naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabelle uu Fatahaado hor leh ka sameeyay Magaalada Baladweyne, Wabiga ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu ku Fatahay Xaafado hor leh oo ku yaalla magaaladaasi.

Wararka ayaa waxaay intaas ku sii darayaan in xaaladdu ay ka sii dareyso marba marka ka dambeysa, islamarkaana ay u baahan yihiin Gurmad deg deg ah, Muddooyinkii dambe ayaa waxaa xaalado dhinaca nolosha ah ay ka taagneyd magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda, kadib markii uu ku Fatahay Wabiga Shabelle.

Dhawaan bay ahayd Markii uu Madaxwayanaha Soomaliyeed Maxamed Cabdulaahai Farmaajo uu tagay Magaalada Baladwayne oo indhihiisa kusoo arkay qasaaraha iyo barakicinta ay sameeyeen Fatahaada wabiga Shabeel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.