Xildhibaan Cabdi Shire Gedo ma matalaa?? W/Q Cali Soomali

cabdi
cabdi

Waxaan dhagaystay Dood isu jawaabid ah oo hab dimuqoraadi ah saxaafadda la isugu mariyey. Waxayna udhaxeysay Xildhibaan Cabdi shire oo Gal-mudug laga soo doortay, safar shaqana utagay Gobalka Gedo iyo Xildhibaano reer Gedo ah oo Jubbaland ka tirsan, kuwaas oo sheegay in Cabdi shire oo ah Xildhibaan Qaran uusan matalin Gedo.

Doodaan waxay igalisay arragtida falasafadda matalaada Xildhibaanimo inaan wax ka iraahdo, si Dadka ey u fahmaan arragtiyada Sharci ee la isku hayo. Waxaana ku gaabsan doonaa fasiraada sharci bas ah.

Hadaba Xildhibaanka waxii ka horreeyey kacdoonkii Faransiiska Qarnigii 17aad, waxuu matali jiray Deegaankiisa bas ah, laakiin waxii ka danbeeyey waxaa soo baxday arragtiyo Qaanuuneed taas oo ka dhigeeso mid matala ummadda oo dhan.

Waxaa kamid ah arragtiyadaa mabd’a caan ah loo yaqaan “ la doortaha inuu ka madax-banaanyahay ciddii dooratay, The principle of independence of the electorate from voter”.
Mabd’aa waxuu tibaaxayaa Marka Xildhibaanka la doorto waxuu matalaa Qaranka, meel kasta oo Dalka ahna masuuliyad ayaa ka saaran. Waana midka ugu caansan Fiqhiga Dastuuriga ah ee arrintaan la xariiro.

Waxii ka danbeeyey Kacdoonkii Ilbaxnimada reer Yurub, waxaa sii kordhay falsafadda xal uraadinta xariirka ka dhaxeeyo Dadkii soo doortay Xildhibaanada iyo Qarankii ey udhaarteen. Waxaana kamid ah nuxurkii ugu danbeeyey ee Fiqhiga Dastuurka gaaray “mabd’a matalaad guud iyo midda gaarka ah”.

Taas oo ah in ey jirto labo Matalaad oo Xildhibaanka saaran, midda gaarka ku ah Deegaan doorashadiisa iyo midda Qaranka u igmaday.
Dastuurkeena oo arrintaa ka hadlaya ayaa Q.61aad faqrooyinkiisa ku kala qeexay labada matalaadba . Faqrada 1aad waxay leedahay Xildhibaan kasta oo kamid ah labada Golle waxuu ugudanayaa shaqadiisa si danta Qaranka ku jirto. Halka Faqrada 2,3,aad ey sheegayaan in Xildhibaanka si gaar ah uga saarantahay masuuliyad Deegaan-doorashadiisa, iyo Dowlad-gobaleedkiisa.
Sidaas darteed Xildhibaanka Hirshabeele iyo Gal-mudug kasoo jeedo waxaa masuuliyad ka saarantahay Dadka Gedo joogo, halka kuwo Jubbaland kasoo jeedo ey masuuliyad ka saarantahay Balad-wayne.
Arragtida sharciga ah waa mid ka hor imaaneeso Xildhibaanada Dowlad-gobaleedka Jubbaland Doodoodii. Waxayna taageeraa Arragtida Xildhibaan Cabdi shire.
Cali  Shiiq aadan Yuusuf Cali Somali
Xildhibaan Qaran
Matalaad Qaran
Sarreenta sharciga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.