Raysawasaare Khayre oo dilka dib ugu soo Noqday

Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay shir Caalami ah uga qeyb galeen magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirka oo ay ka qeyb geleen qaar kamid ah madaxda dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale intii uu socdaalkiisa ku guda jiray waxaa uu shir kusoo xiray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, shirkaas oo u dhaxeeyey ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.