Dhagesyso:Godumiyaha Barlamaanka Galmudug oo sheegay in Heshiiska Jabuuti burburay iyo Inaan Xaaf Xukun kororsi laga yeelayn

Waxaa Maamul goboleedka Galmudug ka jira Qilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Madaxda Iyo Baarlamanka Galmudug taas oo timid markii latixgalin waayey Beelaha daga Galmudug kuwaas oo boob loogaystay Saamigii ay ku lahaayeen Maamulka Galmudug.

Waxaa kaloo jira Qilaaf kale oo yimid kadib markii Madaxwaynaha Galmudug Xaaf uu isku dayey inuu mudo kororsi sameeyo taas oo xad gudub ku ah Tastuurka Galmudug waana tan keentay in uu Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir inuu ka horyimaado Xukun kororsiga Madaxwaynaha galmudug xaaf.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu sheegay in la jebiyey heshiiskii dalka Jabuuti ay ku wada gaareen Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna, qodobada heshiiskaas ee la jebiyey ay ka mid ahayeen in la badiyey tirada xildhibaannada ee Maamulka Galmudug in Madaxda Galmudug uu waqtigoodu yahay Afar Sano oo hadda hal Sano kaliya ay ka harsan tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.