Wasiirkii Hore Gaashaandhiga Soomaliya oo loo doortay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya

wasiir

Baarlamaanka Soomaliya ayaa waxay Gudoomiye u doorteen Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaliya ahna Munade ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan, Doorashadaan ayaa waxaa ku tartamayay Maanta 10 musharax,waxana Wareegii 1aad ku haray 6 musharax,waxana soo haray 4 Musharax balse intii aan la guda gelin Wareegii labaad ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla.

Wareega labaad ayaa waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow,waxana labada musharax ay kala heleen Ibraahim Isaaq Yaroow 118 cod iyo Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan oo helay 147 Cod.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhamaan Xildhibaannada doortay iyo kuwa aan dooran u mahadceliyay, isagoo xusay in uu si dhaw ula shaqeyn doono dhamaaan Xildhibaannada Golaha Shacbaka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.