Dowladda Soomaaliya oo maalinta berito ah fasaxday shaqaala weynaha Soomaaliyeed

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay shaqaalaha Dowladda iyo shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta berito oo ku beegan Tallaado 1-da bisha May iney tahay maalin fasax ah.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay ugu hambalyeyneysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta shaqaalaha weynaha aduunka oo maalinta berito ah ku beegan 1-da bisha May ee sanadka 2018-ka.
1da May sanad walba waxaa Caalamka laga xusaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka oo ah lafdhabarka wax soo saarka iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.