Daawo:Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Oo ka hadlay Lacag Shilin Somali Oo La Daabacayo

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo xafiiskiisa kula hadlayay warabaahinta ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, wuxuuna shirkiisa jaraa’id uu diiradda ku saaray,qorshaha deyn cafinta,daabisita lacag cusub oo Shillin Soomaali ah,mideynta canshuuraha,isagoo sharaxay waxyaabihi ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Washington ee Mareykanka,Wasiirka ayaana sheegay in shirkaasi uu guul ku soo dhamaaday,islamarkaana dhamaan wafuudii ay la kulmeen ay u riyaaqeen warbixinadii laga siiyay halka ay marayso Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan si dhaqsi ah loo soo daabacayo lacagta Shinllin Soomaaliga,taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay in na loo daabaco lacagta Shillin Soomaaliga,talaabooyinka wixii nalooga baahnaa daabacada lacagtaasina waan buuxinay,waxaa kaloo la isla gartay lacagta daabacadeedi ayaa qarash badan ku baxaya,waxaa ku baxaya lacag dhan 41 Milyen oo dollar,anaga mahaynee ee halkii laga keeni lahaa ayaan dadaalkeedi kujirna”.
Magaalada Nairoobi ee xarunta Dalka Kenya ayuu sheegay in dhawaan ay kula shiridoonaan hay’adda lacagta addunka,si loo dhameystiro dadaalada ku aadan in Soomaaliya deynta laga cafiyo,taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.