Xuseen Maxamed Dheen ayaa 7 Bari uxiran Maamulka Degmada Baladxaawo

dheen

Maamulka Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay si sharci daro ah iska xirta Bulshada Magaalada Baladxaawo kuwaas oo aan wax makaxkamad ah la gayn mararka qaarkoodna Dil Iyo dhaawac loo gaysto.

Xuseen Maxamed Dheen “Guuleed” oo kamida dhalinyarada Magaalada Baladxaawo ayaa waxuu Maamulka Degmada Baladxaawo ugu Xiran yahay Xabsiga Degmada Baladxaawo in kabadan 7 Bari ilaa Iyo hadana lama keenin maxkamad, wax dambe ah oo lagu soo oogayna Majiraan.

Warbaahinta Geditmes loo xariirtay Maamulka Baladxaawo ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Xariga Xuseen Maxamed Dheen Iyo shacabkale oo ku xiran Magaalada Baladxaawo, Dhibaatoyinkaan ayaa ah kuwa in badan ka dhaca Magaalada Baladxaawo taas oo keentay inuu xumaado Xirirka Bulshada iyo Maamulka Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.