Ciidamo dagaal ku dhex maray Xeradii Imaaradka ka baxay

Wararka ka imaanaya Magaalada muqdisho ayaa sheegaya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku dagaalameen Xerada Jeneraal Goordan oo ku taala Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Dowladda Federaalka Soomaliya ay xirada soo warareen waxaana arinkaas ka hortagay Ciidamadii horey ugu sugnaa Saldhiga.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeya ciidankan kawada tirsan dowlada, waxaana rasaasta ay ciidankan is dhaafsanayaan gaaraysaa xaafado kamida Magaalada Muqdisho waxaana wali aan war laga hayn qasaaraha uu gaystay dagaalkaan.

Wararkeena dambe kala socoda Warar dheeraad ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.