Shir Amniga looga hadlaayey ayaa Baydhabo Lagu soo gaba gabeeyey

Magaalada Baydhabo xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey Shir looga hadlayey Amniga deegaannada Maamul Goboleedka koonfur Galbeed.

Shirkaan oo socday mudo laba Cisho ah aay waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Booliska Soomaaliya’ Amisom iyo Hay’addo kale oo arrimaha Amniga ka Shaqeeya.

Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay oo ay kamid ahaayeen Wasiiro ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in dhammaan la furo Wadooyinka Go’doonsan taas oo muhiim u ah Bulshada iyo Maamulka Koonfur Galbeed intaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.