Daawo:Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ansixiyey Xeer uusan Jeclaysan Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe

axmed

Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa dar-dargalinta nabadda.

Wasiir Saalax ayaa cadeeyay in shaqaalaha loo qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda iyo shaqaalaha ee dawladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan gashanayn dawladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha.

Ugu dambayn Gollaha Wasiiradda ayaa ansixiyey xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha taas oo si xoogleh looga dhoofiyo Magaalada Kismaayo waxaana dhaqaalaha kasoo gala dhoofinta dhuxusha kala qaybsada Alshabab Iyo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.