Madaxwaynaha Soomaliya oo Maanta ka qayb Galaya Shirkii Jaamacada Carabta

farmajo

Magaalada Dammaam ee dalka sacuudiga ayaa maanta waxaa ka fur maaya shirka 29aad ee ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga si maanta uu ugu qeyb galo shirka Madaxda waddamada ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Soomaliya ayaa waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka Soomaliya.

Shirkan waxaa kaloo looga hadlayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.