Munaasabadda aas-aaska Ciidanka xoogga dalka oo ka dhaceysa Muqdisho Maanta

ciid

Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka ee 12 April ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan munaasabaddan maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ka dhaceysa Muqdisho ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar.

Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2018ka oo ah sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka.
Warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.