Somaliya oo Ciidamadeeda kala wareegaysa Imaaradka kadib markuu xumaaday xirirka labada dal

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay iminka wado qorsho dib u dhis loogu sameynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xaquuqda ciidamada ay xilka saaran tahay dowladda Soomaaliya haatana ay diyaarisay qaabkii lagu bixin lahaa mushaaraadkooda.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay uga mahad celinayaan tababarka ay ciiamada dowladda siiso laakin xaquuqdooda iyo daryeelkooda ay masuulka tahay dowladda Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku aadaya xili uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka,waxana maalma kahor ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay lacag Imaaraadka uu leeyahay oo agareysay 9.6 Malyan oo Dollar taas oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.