Shirkada Dp World oo wali ka samri la dekada Jabuuti

dpword

Sharikadda DP World ee laga lee yahay Imaaradka ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynaayo heshiiska ay DP World iyo Dowladda Jabuuti wada galeen.

Shirkadda DP World ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u leedahay in ay dacwo ka furto magaalada London ee dalka ingiriiska

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Shirkadda PIL oo laga leeyahay dalka Singapore ay heshiis kula gaartay maamulka Dekadda Dooraale kaddib markii bishii hore ay jebisay heshiiska DP World ay ku maamuleysay dekaddaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa DP World ku eedeysay in ay la wareegtay qeybta go’aan gaarista Dekadda Dooraale iyada oo leh saami la eg 33%,halka ay 66% leedahay Dowladda Jabuuti,taasina aysan sharci ahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.