Maktabadda Garbahaarey oo Buugaag lagu wareejiye”Sawiro”

garbo

Jamciyada Jubba ee Hormarinta arrimaha Bulshada ayaa qabatay maanta oy taariikhda tahay 9, bisha April 2018 xaflad ballaaran, taas oo ujeedkeeda ahaa in Buugaag gaareeso ilaa 500 oo Buug lagu wareejiyo Maamulka Maktabadda guud ee Garbaarey.

Xafladaan oo aheed mid heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhammaan qaybaha bulshada iyo marti sharaf badan.
Ugu horreen waxaa madasha ka hadlay Gudoomiyaha Jamciyada Jubba Mahdi Maxamad Cabdi, kaas oo sharaxaad ka bixiyey Jamciyada iyo howlaha ey qabato. sidoo kale waxuu soo qaaday Buugaagta maanta ey wareejiyeen iyo ahmiyada ey uleedahay Bulshada.

Gudoomiyaha maktabadda Guud ee Garbaarey Cabdinaajiib Cali gaas ayaa dhankiisa ummahad-celiyey Jamciyada juubba, sheegayna in ey wax badan ka tiri doonto Buugtaan baahida Maktabadda.
Aamino sheikh muxumad jaamac iyo Garyaqaan cali sheikh aadan yusuf ” Cali Somali” oo ku hadlaayey magaca Aqoonyahannada ayaa dhankooda umahad-celiyey Jamciyada jubba iyo Maamulka Maktabadda Garbaarey kaalinta ey kaga jiraan dhisida Bulshada iyo sare uqaadida wacyiga.

ma aheen markii ugu horreesay oo Buugaag deeq ah la gaarsiiyo Maktabadda guud ee Garbaarey, waxay aheed horaantii bishaan markii ururka Deegaan ee uu Gudoomiyaha uyahay Ayaanle Jocfe uu gudoonsiiyey Maktabadda Buugaag badan.
Ugu danbeen Tabaarak Cumar xirsi oo ka mid ah saraakiisha Jamciyada jubba, ayaa baaq-udiray Bulshada reer Gedo, kana codsaday iney garab is taagan dhisida maktabadda guud oo mareeso meel gabagabo ah.

Hoos ka daawo sawirada
garbo

garbo

garbo

garbo

barbo

garbo

garbo

garbo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.