Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Howlaha Guud (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo uu Maanta ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Soomaaliya,isagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.
Mudane Xasan Cali Khayre waxaa xarunta Wasaaradda Howlaha guud ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaraddaasi Eng Saadiq C/llaahi Cabdi,Wasiiru Dowlaha Wasaradda,Wasiir ku Xigenka Wasaradda,Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud.
Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradda Howlaha guud oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaradda inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagar la’aan ah.

khayre khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.