Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo u hambalyeeyay talefishinka Qaranka

gulled

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hambalyo diirran u diray 35 guuradii kasoo wareegatay asaaskii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed oo dhidabbada loo taagay Sanaddii 1983-dii.

Raysawasaare ku xigeenka dalkaayaa sheegay inay warbaahinta Qaranku guud ahaan kaga duwan tahay Warbaahinta kale ee gaarka loo leeyahay masuuliyad iyo inuu Wariyuhu ka fakaro xilka Qaran iyo kan Bulsho ee saaran, taasoo ay ku dheehan tahay waddaniyad dheeri ah, halka ay warbaahinta kalena inta badan waxba faaf reebin.

Taleefishinka Qaranku waxa uu kaga duwan yahay warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo baraha Bulsha waxaan la yidhaa, in Qofka isagoo aan faaf reebin, aan wixii xanaf leh ka reebin uu Wabsayd yada soo dhigo ama Taleefishinka gaarka loo leeyahay, halka kan Dowladduna uu ka tarjumayaa mar walba aragtida iyo aqliga ku dhisan dib u dhiska Qaranka, ayuu yiri mudane Khadar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.