Daawo:Wasiir Beyle oo Sheegay in ay Dhaqan gashay Canshuurta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay hirgashay canshuurta Gadista, isagoona u mahad celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed uu sheegay inay Laf dhabar u yihiin Dhaqaalaha dalka.

Waxaa farxad ii ah inaan iraahdo Canshuurtii yareyd ee Gadista way hirgashay, Canshuuraha aan soo kordhinay wax badan ayay soo kordhiyeen, Bishiiba Hal Milyan iyo bar ayay soo kordhiyeen, Canshuurta boqolkiiba shanta ah ee aan kusoo rognay wixii dibada ka yimaada aad ayay u yar tahay, wadamada aan tartanka kula jirno waa 15 iyo 30, marka wadanka wuxuu ku dhismayaa in casnhuurta la iska qaado”ayuu yiri Beyle.

Wasiir Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay hal sano oo Imtixaan oo ay ka qaaday Hay’adda Lacagta Aduunka, wuxuuna sheegay in Lacagta looga baahnaa in ay kor u dhaafeen Hal Milyan iyo Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.