Qasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray Al shabab iyo Amisom

amisom

Amisom ayaa sheegay in qaar ka mid ah Ciidanka dalka Uganda ay ku geeriyoodeen weerar ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Amisom waxa uu sheegay in afar Askari oo u dhashay dalka Uganda ay geeriyoodeen Afar kalena ay ku dhaawacmeen isla weerarkaas.

Richard Karemire, ayaa sheegay in dhinaca AL-shabaaab ay ka dileen 22 ka mid ah Ciidamadii Al-shabaab ee weerarka ku ekeeyay Saldhigga Amisom ee Buulo Mareer.

Al-Shabaab waxa ay shalay sheegeen in 59 ka mid ah Ciidanka Uganda iyo afar iyo toban ka mid ah Askartooda ay ku geeriyoodeen dagaalkii Buulo Mareer ay ku qaadeen.

Waxaan lahayn xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanka Buule mareet oo shabab iyo Amisom dagaalka ky dhexmaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.