Dhageso:Raiisal Wasaaraha Soomaliya oo xalay kormeeray Degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir

isaq

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir  isaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow waxaa kaloo waheliyey Xildhibaano ay kamid tahay Sagal Isaaq Biixi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tagay Degmada Cabdi casiis, Shibis, Xamar weyne iyo Degmada Hodan, halkaasi oo qaar ka mid ah dadka deegaanka uu kula kulmay.

Xasan Cali Khayre ayaa dadka gacan qaaday xilliga habeenkii kana waraysanaayay nolosha magaalada waxaana uu ciidamada ku dhiiri galiyey inay adkeeyaan hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.
Taliyeyaasha ciidanka Booliska ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre kulan kula yeeshay Xeebta Liido, kaas oo ku aadanaa sidii hawlaha nabadgalyada loo xoojin lahaa.

Gudoomiye ku xiegenka Koowaad ee Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey socdaalka Ra’iisul Wasaaraha wax uu ku saabsanaa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.