War deg deg ah:-Madaxweynaha Soomaaliya oo baajiyay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ka dib markii uu kor u kacay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Golaha Shacabka oo labada dhinac ee kala ah dhinacii Mooshinka waday iyo dhinacii ka soo horjeeday Mooshinkaas ay soo saareen hadalo kala duwan oo u muuqday kuwoo sii hurinaya khilaafkaasi, ayaa arintaas wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xalay goor dambe la kulmay Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa waxayna isla garteen in dib loo dhigo Kulankii Barlamaanka ee maanta lagu waday in uu qabsoomo.

Maadaama labada dhinac midna uu yiri Mooshinka Wuu buray, midka kalana uu sheegay in uusan burin Mooshinkaasi ayaa leysla gartay in maanta uusan dhici Karin kulanka Barlamaanka iyada oo laga cabsi qabo in khilaafka uu sababo gacan ka hadal, maadaama maalmihii la soo dhaafay xubnahaan ka tirsan Barlamaanka ee kala taageersan labada dhinac ay hawada isku marinayeen eedeeymo iyo hanjabaadyo.

Kulan saacado badan qaatay oo ay xalay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari oo Mooshinka uu ka yaalo iyo labadiisa ku xigeen ayaa gaba gabadii kulankaasi waxaa lagu yiri “Waxaa la hakiyay kulankii Golaha Shacabka ee loo balansanay maanta kadib markii soo jeedin ay ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.