Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Hakiyay Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Saaka ay yeelan la haayeen

farmajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Ayaa Hakiyay Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka Saaka ay yeelan la haayeen kaas oo looga doodi lahaa mooshin laga keenaya gudoomiye Jawaari.

Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada Golaha Shacabka ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka,balse uu kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib soo jeedintaasi oo ka timid Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Lama shaacin xilliga rasmiga ah ee uu dhici doono kulankaasi oo ahaa mid aad loo wada sugayay natiijada ka soo baxda, Balse xiisada ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka socdaan magaalada Muqdisho.

Xiisada Siyaasadeed ee dalka ayaa gaartay meeshii ugu darneyd waxana saakay inta badan la furay Wadooyinkii xirnaa waxana la oegyn halka ay ku dambeyn doonto xiisada u dhaxeysa Gudoonka Golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.