Akhriso:Sida Xaalka Barlamaanka noqonayo Sabtida Hadaan Ioo Gurman

barlamanka

14 Bishaan Maarso bay ahayd markii Mooshin laga Keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaana Mooshinkaas qabtay Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Muuday, Gudoomiye Jawaari oo maalin kadib hadlay ayaa gaashaanka ku dhuftay Mooshinka ka dhanka waxaa uuna ku tilmaamay mid lagu cuuryaaminayo Howlaha iyo Awoodda Golaha Shacabka.

khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanayey waxana maalmo ka hor ka hadlay Gudiga joogtada Aqalka Sare oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay ku kala direen gudigii Aqalka Sare ee loo xil saaray xalinta khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.

Gudiga oo ka koobnaa 7 Xubnood ayaa waxaa gudoomiye u ahaa gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxaana kala dirista ka dambeysay kadib markii ay ku dhaawaqeen in uu burburay waan waantii ay ka dhex wadeen Golaha Shacabka.

Kadib markii ay bur burtay waan waantii laga dhexwaday xildhibanada golaha shacabaka ayaa Gudoomiyaha 1aad Muuday ku dhawaaqay in Mooshinka golaha la horgeyn doono Sabtida oo ku beegan 31-ka March.

Waxaana hadalka Gudoomiye ku xigeenka 1aad Muuday ka hor yimid Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xalay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho asagoo sheegay inuusan jirin mooshin laga keenayo maalinta Sabtida ah ee taariiqada tahay 31 Marso una  shir gudoominaayo Golaha shacabka waxaa kaloo sheegay in uusan jirin mooshin laga waday Ra’iisul Wasaare kheyre balse Warar been ah lagu dagaal geliyey,  Ra’iisul Wasaare kheyre waa Shaqsi wanagsan oo jecel dowladnimada balse uu talo ka qaatay dadkii bur buriyey Baarlamaankii 8aad sida uu hadalka u dhigay.

Isla Xalay waxaa isna war saxaafadeed qabtay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibarahim Muudeey  waxa uu soo saaray War Saxaafadeed uu ku sheegay in mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uusan waxba iska badalin maalinta sabtidana laga doodi doono.

Xiisadaan siyaasadeed ee golaha shacabka soo kala dhex gashay ayaa la ogayn meesha ay ku dhamaan doonto waxaana la filayaa kulanka Sabtida haduusan baaqan in gacan ka hadal Iyo Buuq ka dhalan doono.

Wixii Talo ah ama sida ay idinla Muuqato Halkaan hooso kusoo qora

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.