Boobka Baled Xaawo Waxa uu Biloow u yahay Banaysashada Badeena W/Q Cabaas Cumar Maxamed

baladxaawo

Sida aan la soconno waxa maalmahaan dambe isa soo tarayay qaylo-dhaan ka soo bilaabatay dadka ku dhaqan degmada Baled-xaawo ee gobolka Gedo ay uga cabanayaan dhul-boobka ay dowlada Kenya ka wado xuduud beenaadka ay wadaagaan labada degmo ee dariska ah ee Baled-xaawo & Mandhera, waxaana ku nool dad walalo ah oo wadaago dhaqan, diin iyo jinsiyadba, ayagoo ku soo eedeeyay dowlada Kenya in ay darbi ku kala qaybinayaan dad aanan marnabo kala maarmi Karin.
Qaylo-dhaanta reer Baled-xaawo kadib waxa ay shacabka soomaaliyeed ka dhiidhiyeen xad-gudubyada iyo dulmiga lagu hayo walaalohood reer Baled-xaawo, waxa ayna la qaybsaden murugada iyo qaylo-dhaanta sidi ay ku gaari lahayd dowlada uu hogaaminayaan madaxweyne Farmaajo iyo raysul-wasaare KHayre & guud ahaanba caalamka.
Dadaal badan oo ay bixiyeen muwaadiniinta soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay ku guuleeysteen gaarsiinta gabood-faladaan cid kasta oo ay qusaysay, waana guul aan uga mahadinayno walaaleheen soomaaliyeed ee mar walba na garab tagnaa waxaana mahadda ugu horayso mudan mowlihii waafajiyay walaaleheen in ay na garab istaagaan.
Hadii aad doonaysid in aad wax badan ka ogaatid sida uu boobka Baled-xaawo biloow ugu yahay banaysashada badeena si ay daganaani ku jirto u aqri suaalahaan hoos ku xusan jawaabaha aan ka bixiyay, adigoo ka dheehan doona xaqiiqooyin kaa daahsoonaa oo aan dadaal badan ku bixiyay soo helideeda, waxa ayna ku bilaabanaysaa sidaan hoos ku xusan:
QAABKA AY DADKA SOOMAALIYEED U MUUJIYEEN QAYLO-DHAANTA MA YAHAY SIDII HABOONAYD?
Iyadoon ognahay inuu guulaystay ula-jeedkii laga lahaa qaylo-dhaantii ka timid bulshada ku nool degmada Baled-xaawo oo ahayd in la gaarsiiyo dowlada federaalka ah dhulboobka iyo dulmiga lagu hayo dadka ku dhaqan dagmadaas, ayaa hadana waxa ay dadka ku xeel-dheer siyaasada sheegayaan in qaabka ay dadka soomaaliyeed badankood ay u muujiyeen dareenkooda in aysan ahayn sidi haboonayd, waxa ayna ku sababeeyeen in badi dadkii cabashooyinka muujinayay ay ku andaconayeen in dowlada Kenya ay ku soo xad-gudubtay xuduudii soomaaliya, iyadoo loo fasiran karo in xuduudka dhabta ah ee u dhexeeyo soomaaliya iyo Kenya uu yahay kan kala qaybiyo magaalooyinka Baled-xaawo iyo Mandhera, waxa ayna farta ku fiiqeen in aysan sidaasi sax ahayn oo uu kaasi yahay xad-beenaad.
Waxa ayna khubaradaan ku xeel-dheer siyaasada soomaaliya ugu baaqayaan shacabka soomaaliyeed in dowlada aynu dariska nahay ee dhul badan oo soomaaliyeed gumaystihii ingiriiska u jaray aysan umuujinin in ay ka tanaasuleen dhulkaas soomaaliyeed ee maqan.
MAXAY KA DHIGAN TAHAY IN DOWLADA FEDERAALKA AH AY WAKIILATO GUDDI HEER MAAMUL GOBOLEED AH?
Dad badan oo soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay in dowlada federaalka ah ee soomaaliya hawsheedii ay u wakiilatay maamul-goboleedka jubba-land, iyadoo ay horay u jirtay shacabka soomaaliyeed tuhun ay ka qabaan in mamul-goboleedka howsha loo wakiishay ay gorgortan kula jiraan dowlada Kenya ay uga iibinayaan dhul badan oo kamid ah soomaaliya, waxa tuhunkaas abuurayna ay tahay hadallo muujinayo masuuliyad darro oo ka soo yeeray madaxweynaha maamul-goboleedka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe).
Laakiin dadka indheer-garadka ah waxa ay ku tilmaameen wakiilashada dowlada federaalka ah ay wakiilatay maamulka jubba-land ay tahay arin diblumaasiyadeed oo ay ka dambayso siyaasad guul u ah dowlada federaalka ee soomaaliya, waayo hadii uu madaxweyne Farmaajo magacaabi lahaa guddi ka socdo dowlada federaalka ah ee soomaaliya waxa ay qadiyadda u ekeysiin lahayd muran xadeed u dhexeeya labo dowladood sida uu qabo axdiga iyo dustuurkii soomaaliya ee 1960 xadka u dhexeeya labada dal ma ahan xad-beenaadka kala qaybiyo magaalooyinka Baled-xaawo & Mandhera.
NATIIJADI KA SOO BAXDAY HESHIISKII LABADA DHINAC YUU FAAIIDO U YAHAY?
Taariikhda marki ay ku beegnayd 27/03/2018 waxa shir isugu yimid masuuliyiin kala matalaya maamulka gobolka waqooyi-bari ee Kenya iyo masuuliyiin ka socotay maamul-goboleedka Jubba-land ee soomaaliya, shirkaan oo looga xaajoonayay xal u helida xiisadaha ka taagan xadka kala qaybiya magaalooyinka Baled-xaawo & Mandhera, shirkaas oo gogol-xaar u noqon doono wada hadal dhex maro labada dowladood.
Shirkaan waxa lagu gaaray in darbiga ay dhisayso kenya la joojiyo ilaa labada dowladood isku af-gartaan arimaha muranka dhaliyay ee u dhexeeya labada magaalo, iyo in kenya labo maalmood gudohood ku soo gabogabayso in ay shamiito ka qoyan ku shubaan godkii ay qodeen.

Hadii aan u soo galo suaasha ah heshiiskan yuu faaiido u yahay? Heshiisku waxa uu ka koobanyahay laba qaybood, marki aan fiirinno qaybta 1aad ee ah in dhismaha darbiga la joojiyo waxa faaiido weyn ku qaba dadka soomaaliyeed, laakiin marki aan jaleecno qaybta 2aad ee ah in godki xadgudubka ay kenya u qoday in loo ogolaado in ay shamiitada ku sii wadaan sida muuqato waxa faaiido ku qabta kenya, sababtoo ah waxa ay muujiyeen sida aysan marnaba uga tanaasuli doonin goaankooda ah in darbigaas uu hirgelo.

MUXUU YAHAY UJEEDKA KENYA AY KA LEEDAHAY DHUL-BALAARSIGA AY KA BILOWDAY BALED-XAAWO?
Meeshaan waxa aan ka gudo gali rabaa dulucda qoraalkayga aniga oo rabo in aan umada soomaaliyeed u iftiimiyo khiyaanada iyo hagar-daamada ay dowlada kenya ugu talo gashay in ay ku shirqoosho madaxda dowlada federaalka ah ee soomaaliaya, waayo dad badan waxa u muuqdo oo kaliya darbiga laga dhisayo xadka kala qaybiyo labada magaalo, laakiin sida ka goan dowlada kenya waxa ay rabaan in ay darbigaan ka dhisaan masaafo gaarayso 700km iyagoo ka leh in ay u hergelaan labo arimood oo ay soomaali badan war-moog ka tahay , labadaas arimood oo kala ah sida hoos ku xusan:
Darbigaan dhismihiisu biloowday waxa ay kenya qorsheysay in ay ku beegto qaybta ay badda soomaaliyeed ay rabto in ay ka boobto, waxaana jira khubaro kenyaati ah oo iska dhigayay in ay arimo sama-fal ujoogaan gobollada jubbooyinka iyo Gedo oo muddo ku hawlanaa xaqiijinta hadafka kenya ee ah banaysashada bada soomaaliya.
Qodobka labaad ee ay kenya danaynayso ayaa ah in ay ka soo talaabto xad-beenaadka uu gumaystihii asteeyay si ay ugu xalaalaysato dhulka soomaaliyeed ee baaxada weyn oo ka maqan gacanta dowlada soomaaliya, waxayna goaansatay in ay muran galiso dhulkii la isku raacsanaa si aan loo xusuusan dhukii ay mudnayd in laga hadlo, ayadoy xusid mudan tahay in shacabka soomaaliyeed ee ku hoos nool dowlada kenya ay dhibaatooyin iyo tacadiyo ka baxsan biniaadamnimada loogu gaysto si joogta ah.
MAXAA LA GUDBOON DOWLADA FEDERALKA AH EE SOOMAALIYA?
Dad badan oo soomaaliyeed waxa ay u han-weyn yihiin in ay arkaan madaxda dowlada federaalka ah ee soomaaliya oo ka dhiidhinaya xadgudubyada muuqdo ee lagu hayo badda & barriga soomaaliyeed, waxa ayna madaxda qaranka si joogta ah ugu diraan baaqyo kala duwan si ay u qaataan goaanno taariikhi ah, marki la fiiriyo sida shacabka soomaaliyeed uga goantahay difaaca dhulkooda, hawadooda & badooda waxa dowlada federaalka ah ee soomaaliya la gudboon in ay ka turjunto rabitaanka dadkeeda waayo sida aan ognahay dowladaan waxa ay ku timid rabitaan shacab, sidaas daraateed waxaa waajib ku ah in ay garab istaagaan shacabkooda, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in ay il gaar ah ku eegaan shirqoolada siyaasadeed ee loo dhigayo si ay uga badbaadaan goaanno aan la mahdinin in ay qaataan taas oo niyad jabisa shacabka soomaaliyeed.
GOORMA AYAY SHACABKA SOOMAALIYEED XAQIIQSAN KARAAN GUUL AMA GUUL-DARRO?
Dabeecadaha dadka biniaadamka ah ilaahey kama dhigin isku mid ee waxa uu ukala qaybiyay dhawr nooc, qaybta 1aad waa dad mar walbo wanaag fisho iyo in ay umuuraha sidi la rabay ku soo dhamaan doonaan qofka ka mid ah groupkaan waxa englishka lagu dhahaa (optimistic) ama wanaag fishe, qaybta 2aad waa dad mar walba xumaan fisho iyo in arimaha uu rajada ka leeyahay uu ku guul-daraysan doono, qofka noocaan ah waxa englishka lagu yiraahdaa (pessimistic) ama shar fishe, waxaa jiro kuwo kale oo war-moogayaal ah oo arrimaha xasaasiga ah aanan danaynin kuwaas oo wanaag iyo shar toona filanaynin dadka noocaan ahna waxa loo yaqaanaa (non-different or yes man) ama hayi-raac natiijadi soo baxdo ayay raacaan.
Ujeedka aan ka leeyahay in aan kala tilmaamo dabeecadaha dadka ayaa waxa aan uga gol-leeyahay in aan tilmaamo in soomaalida ay u badatay groupka 2aad ee shar fishayaasha ah iyagooba badankood rajo xumo ka sii muujinayo in guusha ay mari doonto dhanka kenya, sidaasna sax maàhan waayo adigoo waqti hore is dhiibo waxa ay guusha u sahlaysaa cidda ay garta kaala dhaxayso waxa ayna niyad jabisaa cid kasta oo guushaada gacan ka gaysan lahayd, taas oo micneheedu tahay in madaxda qaranka ay rajo xumo ku beerto waxa ayna sahlaysaa in si fudud aan guusha ugu gacan galino kenya oo doonaysa in ay boobto badeena iyo barigeena.
Guusha aan ka gaari karno difaacida dhulkeena iyo badeena waxa ay ku xirantahay shirka ay u ballansan yihiin madaxda labada dal ee aan rajo wanaag iyo guul muujinno si ay u dhiiro galiso madaxda nagu matalayso shirkaas .
BAAQAYGA AAN U DIRAYO DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED.
Baaqaygaan waxa uu quseeyaa dhammaan muwaadiniinta soomaaliyeed, anigoo u kala qaadayo labada dhinac ee aan hoos ku xusay:
Matalayaal: waa madaxda qaranka ee masuulka ka noqon doona guul iyo guul darro waxa ay kala soo laabtaan shirkaas, waxa aan kula talinayaa madaxda qaranka in ay xisaabta ku darsadaan in qadiyadda aysan ku koobnayn oo kaliya xadka kala qaybiyo labada degmo ee Baled-xaawo iyo Mandhera ee ay arrintu qusayso difaacidda dhul ka maqan soomaaliya oo uu gumaystihii si xad-gudub ah ugu gacan galiyay dowlada kenya & difaacidda badda soomaaliya ee ay kenya rabto in ay muranka galiso si ay uga faaiidaysato khayraadka naftada ee laga helay qaybtaas ay gardarrada noogu haysato.
La-matalayaal: waa shacabka intiisa kale ee aysan gacantooda ku jirin goaan ka gaarista qodobada shirkaas ka soo bixi doona, waxa aan shacabka kula talinayaa in ay muujiyaan niyad wanaag iyo guul in ay madaxda qaranka soo hoyin doonaan, si ay dhiirro galin ugu noqoto madaxda nagu matali doonta shirkaas, waxa kale ee aan ka codsanayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed in aysan ka seexan soo bandhigidda xad-gudubyada lagu hayo dhulkeena iyo badeena oo aysan noqonin xilliga laga hadlo waqtiyada xasaradaha ay jiraan soomaalida waxa ay ku maahmaadaa (ninkii seexdo siciisa dibi dhal) mar kasta oo aan ka seexanno ilaalinta dhaxalkii awoowgeen waa mar kasta oo ay u sahlanaato wadamada shishiiye in ay si sahlan ku qaataan.
Email: abbasccm10@gmail.com
WABILAAHI TOWFIIQ

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.