Daawo+Sawiro:Beeshaa Mareexaan oo Iskaga Baxday Galmudug

Shir aan caadi ahayn oo isugu yimaadeen waxgaradka, Odayaasha,Culimada Iyo qaybaha kala duwan ee Beesha Sade Mareexaan oo kulan dag daga ku yeeshay Magaalada Cabudwaaq ayaa waxay sheegeen in taladaii Maamulka Galmudug aan wax laga siin laga wargalin iyagoo horay iskaga arkay madaxda Galmudug iskuna raacay in tashi laga wada yeesho Dhismaha Barlamaanka Iyo mustaqbalka Galmudug.

Hadaba Golaha Odayaasha dhaqanka oo ay weheliyaan qaybaha kale duwan ee Bulshada Caabudwaaq ayaa Go’aan mida maanta sheegay inay ka qaateen Heshiiska lagu gaaray Dhuusamareeb 26. bishaan ee lagu mideenayay Baarlamaanadii Galmudug iyo Gobalada dhexe waxaana saas sheegay Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) oo ku hadlaayey Go’ankii ay qaabteen Beesha Sade Marexaan.

Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu suna ayaa ahaa in la qabto shir nabadeen oo bulshada Galmudug isugu imaanayso looga tashanayo aayaha Galmudug inta aan laysku darin Barlamaanka Galmudug, dhawaan bay ahayd markii beelo badan oo katirsan Galmudug ay qaylo dhaan ka muujiyeen qaabka ay madaxda Galmudug wax u maamulayaan.
Sawir Qaade; Mahad Xasan Diini
Naftaada Nabadda Bar.

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.