Xukuumadda Raysulwasaare Kheyre oo loogu baaqay in ay ka dhabayso wada hadalada xaduuda Kenya “sawiro”.

usa

Qaarkamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo iskugu yimid kulun ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin qayla dhaanta shacabka Beledxaawo ee la xariirta dhismaha darbiga laga dhisayo xaduuda u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa waxa ay siyaabo kala duwan fariimo ugu direen, Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Intabaddan dadkii ka hadlay isku imaatinkaan ayaa waxa ay xukuumada Raysulwasaare Kheyre ka codsadeen in ay ka dhabayso wada hadaladda isla markaana si dhab ah loo darso mushkilada xaduuda ee qayla dhaantu ka imaanayso, iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la dumiyay guryo dad shacab ah oo masaakiin ah ay leeyihiin kuwaas oo u bahan in dib loogu dhiso Hantidoodii.

Shacabka Beledxaawo ayay ku tilmaameen dad u taagan qaranimadda Soomaaliya isla markaana dhawaqooda iyo ficilkooda soo gaarsiiyay heer ay madaxdoodii ka hadlaan ama ay xariir la sameeyaan dowlada Kenya.

Waxgaradkii ka hadlay meshan ayaa dowladda Kenya uga baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka soo jireenkaa ee labada dal iyo labada shacab u dhexeeya oo aysan ka faaiidaysan jilicsanaanta dowladda Soomaaliya iyaga oo dhanka kale Mandheera iyo Beledxaawo ku tilmaamay magaalooyin isku mid ah oo sina aysan dadkoodu u kala maarmin.

Maamulka iyo shacabka Beledxaawo ayay sidookale ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan wixii wanaag ah isla markaana ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed oo ah dhulka iyo xaduuda oo ka dhaxaysa gabi ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Maalmihii la soo dhaafay ayay xiisad ka taaganayd xaduuda Beledxaawo iyo Mandheere kadib markii dowladda Kenya ay biloowday dhismaha darbi ay ku xayndaabayso xaduudkeeda lakin dhacabka Beledxaawo ayaa qaba in dhul ay Soomaaliya leedahay ay keny dhisanayso sila markna ay burburisay hanti kale, waxaana iminka biloowmay wada hadalo labada dowladdood u dhexeeya.

Deeqo Shire (SONNA)

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

ua

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.