Madaxweyne Soomaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Muritaaniya ay u soo Magacowday Soomaaliya

farmajo

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.
Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane; Maxamed Walad Cabdicasiis iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada Dal.
Xigasho wrbaahinta qaranka Soomaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.