Shacabka D/Beladxaawo oo loogu baaqay in ay ka guuraan goobaha uu marayo Derbiga ay dhiseyso Kenya

balad

Maamulka degmada Beladxaawo ee gobolka Gedo ayaa shacab degan goobaha uu sameeyay dhismaha Darbiga Kenya ku amray in ay si deg deg ah uga guuraan.

Maamulka degmada ee Jubaland ayaa sheegay in shacabka loogu baaqayo in ay si deg deg ah u baneeyaan guryaha ku yaala Goobaha ay Dowlada Kenya dooneyso in ay marsiiso Darbiga ay ka dhiseyso Degmada Beladxaawo ee gobolka Gedo.

Dadka ku sugan magaalada balad xaawo  ayaa sheegaya in maamulka degmada arintaan goor dhow uu faray shacabka ku dhaqan degmadaasi, shacabkana amarkaasi ay aad ugu xumaadeen.

Dhankale Banaanbax looga soo horjeedo dhismaha Darbiga Kenya ay ka wado Xadduuda degmada Belad-xaawo ayaa maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.