Maxkamada Ciidamada oo xakuntay rag ka tirsanay Al-shabaab.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay Xukun ku riday rag lagu eedeeyay in lasoo qabtay ayaga oo farsameynayay qaraxyada kuwaas oo dhowr mar dacwadooda ay  Maxkamada ay dhageystay.

Raggaan Maanta Xukunka lagu riday ayaa gaaraya ilaa 3 eedeysane kuwaas oo Maxkamada ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay u qabilsanaayeen dhanka qaraxyada.

Eedeysanayaasha maanta Maxkamada ay xukuntay ayaa waxay kala yihiin.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud oo 30 sano jir ah ina faadumo Sheekh Cabdullaahi ku dhashay Shabellaha Hoose, Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan lagu eedeeyay in Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada, isla markaana ahaa Macalin bara dadka sameynta qaraxyada, waxaana lagu xukumay Xabsi daa`in.

Jamaal Maxamed Cali Ina Wiilo diiriye Jimcaale ku dhashay Muqdisho, iyo Axmed Aadan Weerar Ina Dahabo Cilmi Xalane ku dhashay Muqdisho, waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna  u qaabilsanaayeen dhanka iyo qaraxyada, isla markaana lagu soo qabtay guri ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha iyaga oo diyaarinayay waxyaabha qaraxa, waxaana labadaan nin lagu xukumay min 10 Sano oo Xabsi ah.

Guddoomiyha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunaasi maanta ku dhawaaqay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.