Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulamo kala duwan wuxuu la qaatay xildhibaano, Wasiiro iyo mas`uuliyiin kale oo Dowlada ka tirsan kulamadaasi oo Madaxweynuhu uu diirada uu ku saaraayay amniga iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta.

Inkastoo Madaxweynuhu uusan wali ka hadlin xiisadan, hadana waxaa uu horay intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga kulamo la qaatay dhinacyo kala duwan, sida Guddigii Aqalka Sare, Guddi ka socday Xildhibaanada Haweenka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiye Jawaari iyo xubno kale, waxaana inta badan kulamadan looga hadlayay xal u helida khilaafka Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta.

Madaxweynaha ayaa u caddeeyay dhamaan dhinacyadii uu la kulmay in arrimaha taagan loo maro sharciga, iyadoo aan Madaxweynuhu wali meel iska taagin khilaafka, balse xubnaha qaar ee Xildhibaanada ay qabaan in Madaxweynuhu aanu dhex dhexaad ka aheyn khilaafka

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo todobaadyadii la soo dhaafay howl maalmeedkiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana hoy iyo xafiisba ka dhigtay, si uu u dib u habeyn ugu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka ayaa dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa maanta dib ugu laaban doono xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, si uu u dhameystiro howlaha dib u habeynta iyo abaabulka ciidamada uu maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray, taasoo in badan oo ka mid ah wax uu ka bedelay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.