Daawo:Xildhibanada aqalka sarre oo kahadlay Boobka Kenya kawado Baladxaawo, iyadoo loo yeeraray wasiirada Gashaandhiga,Aminga,arimaha Gudaha iyo dibada

cabdi

Kulankii aqalka Sarre ee Soomaliya oo shir gudoominaayey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa warbixinta akhrinta koowaad laga dhageystay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saallim Caliyoow Ibroow oo si faah-faahsan u akhriyey sharciga.

Dhinaca guddoonka golaha aqalka sare ayaa guddi dabagal iyo baaris ku sameeyey sababtii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) guddigaas ayaa looga fadhiyaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gudbiyaan warbixin dhammeystiran.
Kulanka guud ee golaha aqalka sare oo socda ayaa ajendaha lagu soo daray xaaladda Sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beled-xaawo, Senator Cabdi Ismaaciil Far-taag ayaa soo gudbiyey warbixinta ka hadleysa xaaladda Xudduudda.

Qodobkaas ayaa la geliyey dood iyadoo laba aragti la soo jeediyey oo mid ka mid ahna ay tahay in loo yeero wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, madaama dowlada ka qaabisay Boobka Kenya ku hayso dhulka Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.