Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Hanaanka Cadaalada, Amniga, Dhaqaala iyo Doorashooyinka 2020-ka

R.wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa shir gudoomiyay shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada oo maanta looga hadlay Dib u eegista Hanaanka Cadaalada, Amniga, Dhaqaala iyo Doorashooyinka 2020.
ugu horeyn R.wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga warbixiyay Safarkii uu ku tegay dalka Hidiya, isaga oo sheegay in R.wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka Hindiya ay ka wadada haleen xariirka labada dal iyo sida sare loogu qaadi karo.
Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in dowladda Hindiya ogolaatay in Fiisaha dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta ciidamada Qalabka sida
Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dadaalada dalka looga xureynayo kooxaha Xajgiriinta ah, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 200 oo askari in ay ku quudiyeen lacag dhan $200 iyaga oo u sameeyay cuntada dalkeenna ka baxo si looga maarmo cunna dibada laga keeno oo qarash badan ku boxo.
shirka golaha intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis oo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018
1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA
2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda
3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga
4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan
5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha
6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha
7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta
8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada
9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare
10) Is-afgaradka waxsoosaarka Beeraha
11) Is-afgaradka Kaluuleysiga
12) Is-agradaka Caafimaadka Xoolaha
13) Is-afgaradka Guud ee abuuridda Gudiga iskaashiga Dhaqaale
14) Isfahamka Is-afgaradka dhaqanka
Wasiirka Maaliyadda Xukuumada, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dadaalada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2)
wasiirka waxa uu sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dowladda ay habsami leh ku socoto
wasiirku waxa uu kale oo uu sheegay in Dakhliga sedaxda bilood ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in lasoo xareeyo $41 Milyan in ilaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo wali bishii sedaxaad ay socoto
wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in beesha caalamka ay ogolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.
Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hanaanka Doorashooyinka 2020, hanaanka sameynta xisbiyada badan waxaana golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo dastuurka.
wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xassan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha Horumarinta cadaaladda dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.