Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa dalka Qadar.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar maanta ay ku tagi lahaayeen dalka Qatar ka baaqday kadib markii Madaxweynaha laga dalbaday in uu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay sidii xal uga gaari lahaa khilafkaas dartiis uga baaqday safarka oo maanta ku tagi lahaa dalka Qatar kaasi oo dhawaanahaanba lasugayay.

Khilaafkaan ayaa lagu tilmaamay in uu curyaamiyay howlaha dowladda kadib markii lagu mashquulay Mooshinkaasi.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan inta uu ka xalinayo khilaafkaan iminka taagan uusan Madaxweyne Farmaajo safar dalka dibaiisa ah uusan ubi doonin maadaama Golayaasha qaar ee dowladda Soomaaliya uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Safarka uu ka baaqsaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay in mashaariicyo hormarineed ee wax badan loogu qaban lahaa dalkeena Soomaaliya lasoo saxiixan lahaa Madaxda dalka Qatar.

Sidoo kalane baaqashada Madaxweynaha ayaa noqaneysa safarkiisii labbaad ee ku tago dalka Qatar kadib markii safarkiisii hore uu tagay dalkaasi bartmaha sandkii 2017.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.