Akhriso sababta loo baajiyey Munaasabadii lagu soo bandhigi lahaa waxqabadka Xukuumadda Kheyre

Munaasabad lagu soo badhigi lahaa waxqabadka Mudadii ay jirtay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo caawa lagu qaban lahaa Hotelka Sahal ayaa baaqatay, Munaasabadaas ayaa waxaa lagu Casuumay Madaxda Dowlada iyo boqolaal kale oo kamida qaybaha Bulshada, Sababta loo baajiyey ayaa la xiriirata khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Gudoomiyaha Iyo qaar kamida Xubnaha Ba Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku wargeliyay ra’iisul Wasaare Kheyre in munaasabada dib loo dhigo maadaama ay ku soo beegantahay xili ay jiraan Qalalaaso siyaasadeed.

Maalmihii dhawayd ayaa waxaa Magaalada muqdisho kasocda Mooshin larabo in Xilka looga qaado gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya Jawaari iyadoo aan la ogayn Qilaafkaan Meeshoo ku biyo shuban doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.