AKHRISO: Xildhibaano Mooshin ka gudbiyay Guddoomiye Jawaari

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kadib markii saakay ay warbaahinta kula hadleen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u aqriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdaan Guddoomiye (Jawaari).

Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa ay tiro ahaan ka badan yihiin 100, waxayna Mooshinkooda u gudbiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Magaalada Muqdisho xalay hooyaad kama jirin marka loo eego dhanka xildhibaanada oo waxaa socday olole kala jiidasho xildhibaanada ah iyo arrimaha la xiriira Mooshinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.