Maxay tahay dimoqaraadhiyada taala maamulka Soomaalilaand? W/Q Jimcaale

jim

Ereyga dimoqaradhiya(democracy) waa laba eray oo laga soo qaatay Gireega oo kala ah (demo and cracy) loo micneeyo xukunka dadweynaha,haddaba aan taariikhda dib ugu noqono markii Jamhuuriyadii Soomaaliya oo nabad ah dhammaan dadkuna haysteen karaamo iyo sharaf Soomaalinimo iyo adeeg bulsho oo dhameystiran ,Jabhado Itoobiya abaabushay cadaw kala duwana gadaal ka riixayeen ay dagaalka ku bilaabeen Soomaaliya ayyada oo ay ka barbar dagaalamayeen ciidanka Itoobiya kuwaas oo ahaa SSDF,SNM,SPM iyo USC,dhammaan in kasta oo Xarafka S ka dhexmuuqdo shaar Soomaaliyeed la huwiyey waxay ahaayeen shan qabiil oo kala ujeedo duwanaa,sida qaa,inimadaa ee Xarafka S loo adeegsaday si la mid ah waxaa loo adeegsaday in AUN Maxamed Siyaad Bare dalka ka xoreeynayaan,ugu denbayn barakicin dil dhimasho iyo dhaawacba sabab iyo burburin hanti guud iyo mid gaar ahaaneed ka dib Jamhuuriyadii Soomaaliya !991kii baa cadawgii Soomaalida ee adeegsanayey Jabhadaha aan sare ku xusay jilbaha loo dhigay.

Haddaba Jabhadahii beenta ku heshiiyey markii xukunkii dalku faraha ka baxay ujeedadii ay la haayeen bay la soo baxeen waxayna u xuubsiibteen dagaalo qabaail oo micna la,aan ah,nasiib wanaag dadka Soomaaliyeed markii la soo gaaray1992 dabayaaqadiisii waxay garteen in haddaan loo qotay,waxayna dhigeen hubkii laysugu dhiibay,ayyaga oo garwaaqsaday in cadawgoodu bohol uga tilaabsaday marka laga reebo gobolada waqooyi ee SNM ku habsatay,waxayna inta kale geed dheer iyo mid gaaban u fuushan yihiin siddii ay mar kale boorka iskaga jafilahaayeen karaamadii iyo sharaftii Soomaalinimada u soo celin lahaayeen,taas oo ay sabab u noqotay markii talada ka faramaroojiyeen dadkii ka qaybqaatay burburintii dalka.

Gobolada waqooyi oo 1991kii gacanta u gashay SNM oo taangiyada xabashidu horkacayeen xasuuqii kowaadna ka geysteen magalada Boorama gobolka Awdal ayada dhimashada lagu sheegay 750 qof oo iskugu jiray dhalinyaro,wayeel iyo caruur.hoos ka dawo fidiyoowga ka waramaya arintaan.


intaas waxaa dheeraa xasuuqii ka dhacay Saylac,Dila ,Hargeysa iyo burco,oo Muuse Biixi Cabdi ku raacday maahmaada caanka noqotay( anniga oo wax dili kara duco qaadan maayo),tirade dadka ku dhintayna lagu qiyaaso kumanaal,asaga iyo ragii hogaaminta SNM waday cashar looga soo dhigay Addis Ababa oo ahaa in Soomaalinimada ceel lagu rido bay fulinaayeen,waana lagu dabataagnaa oo isteerinka baa loo hayey in qof kasta xabad aan naxariis lahayn lagu aamusiyo lana baro in ay Itoobiya walaala yihiin(,KAAF IYO KALA DHEERI)!

Maxaa maanta cusub ?Numcaan Cabdiraxmaan Xassan muxuu galabsaday iyo qoyskiisu oon ahayn Soomaali baan ahay? In kasta oo weli la raadinaayo oo aan gacan lagu dhigin haddana qoyskii uu ka dhashay baa arintaas loo dhibaateeyey,bal mar kale ila eega fiidiyoogaan.

Waxaan soo qaadan karnaa Naciima Qorane oo loo haysto maxaad Soomali u sheegatay,haddana xabsiga ku jirta ,wax maxkamad lagu kenana lahayn sida ay ila tahay ,bal eega Naciimo waxay sababsatay,hoos ka daawada.

Isku soo wada duub dadka Koofurta waxay iska xoreeyeen dagaal oogayaashii shisheeyahu soo adeejiyey,waxayna toliin iyo kabis ku hayaan qarankii burburay,laakiin Gobolada Waqooyiga waxay weli ugu jiraan gacanta kuwii shisheeyuhu soo adeejiyey oo ay weli isteerinka u hayaan waxna u meershaan,in kasta oo aan hubo in shacbigayaga waqooyigu mar xargaha goosan doonaan haddana hiilka afka iyo adinba ka daali mayno,waayo waxa loo sheegaa waa itoobiya baan walaala nahay Soomaalina waa cadaw oo qori caaradi iyo xabad lagu dhansiiyo,mana suurowdo in ay dhadhansadaan oo dheefsadaan,Waana tan manta Keentay in Itoobiya iyo Emaaradku kala saxiixdaan Dekeda Berbera.(QURAANJO KU QUUSO) Dimoqraadhiyada qaa,imiita SNM.
Wabilaahi Towfiiq,
Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.