Xildhibaanada Aqalka Sare oo Isku raacay in Guddi loo saaro Kiiska Cabdi qeybdiid

deg
Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kulanka oo socday Saacado badan  ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in lo o saaro guddi, maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.

Waxaa soo xaadiray kulanka 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta Cabdiqeybdiid, 4 Senatorka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Xildhibaanada ayaa hadda ka doodaya Shirkadda DP World oo shalay ay mamnuuceen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.