AKHRISO: Baarlamaanka Somaliland oo ka jawaabay Go’aankii Golaha Shacabka ee DP World

Xildhibaanada maamulka Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan ay  uga jawaabayeen go’aankii Shalay kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa heshiiskii shirkadda DP World la gashay Somaliland.

Kulanka Xildhibaanada waxaa shir godoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax , waxaana uu sheegay inaanay qodobadii shalay ay soo saareen Baarlamaanka Soomaaliya ahayn waxba khuseyn Somaliland.

HOOS KA AKRISO Qodobadda kasoo baxay Baarlamaanka Somaliland.

  1. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka ka soo saaray dekadda Berbera.
    2. Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale
    3. Golaha waxaa uu taageeray heshiiska heshiiska maalgeshiga Berbera.
    4. Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran
    5. Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika kuwa keenni kara xasilooni darro .
    6. Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee jamhuuriyadda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.